SSB: Soomaalida oo ah dadka canshuurta ugu yar soo galiyo sanduuqa dowlada Norway.

0
166
Soomaalida Norwey

Sida lagu sheegay tirokoob iyo warbixin ay soo saartay wakaalada xog uruurinta ee SSB, qofka norwiijiga ah ayaa canshuur ahaa bixiyo lacag ku dhow laba jibaarka canshuurta ay bixiyaan dadka soo galootiga ah.

Qofka norwiijiga  ayaa sanadkii 2015 isku cel-celis canshuur ahaan u bixiyay 112.800 NOK, halka qofka aan Norwey ku dhalan uu canshuur ahaan u bixiyay 65.200 NOK. Sidoo kale waxaa jiro farqi weyn oo u dhaxeeyo dadka soo galootiga ah, sida uu qoray wargeyska Klassekampen.

Soomaalida oo canshuurta ugu yar bixiso:

Qofka u dhashay dalka Poland ayaa isku cel-celis ahaan canshuur u bixiyo 70.800 sanadkii, halka kan Iran kasoo jeedo uu bixiyo 62.800, halka qofka soomaaliga ah uu isku cel-celis canshuur ahaan u bixiyay 19.900.

Soo galootiga canshuurta ugu badan bixiyo ayaa ah kuwa kasoo jeedo wadamada kale ee woqooyiga Yurub. Qofka Swedishka ee Norway soo galootiga ah ayaa canshuur ahaan u bixiyo 111.000, lacagtaas oo aan waxyar uun ka hooseysa canshuurta uu bixiyo qofka norwiijiga ah.

Frøydis Strøm oo katirsan SSB ayaa sheegtay inuu farqi weyn u dhaxeeyo soo galootiga iyo qaababka ay Norway ku imaadeen. Dadka u dhashay wadamada Poland iyo Lituen ayaa ah dadka Norway shaqo u yimid, ayna qasab ku tahay inay shaqeeyaan si ay Norway usii joogaan. Halka qofka soomaaliga ahna uu qoxooti ahaan Norway kusoo galay.

Xigasho/kilde: TV2.NO, KLASSEKAMPEN

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments