SSB: Soomaalida ayaa ugu dhaqaalo yar soo galootiga Norway, balse ugu qanacsan noloshooda.

0
118
Soomaalida Norwey

Wakaalada xog uruurinta iyo tirokoobka dalkan Norway ee SSB ayaa warbixin ay ka sameysay nolosha dadka soo galootiga ah ee Norway kunool, ku sheegtay in soomaalidu ay ugu dhaqaalo yaryihiin soo galootiga Norway, ayna deganyihiin guryo ciriiri ah, balse hadana ay yihiin dadka ugu qanacsan  soo galootiga Norway degan.

Sidoo kale guud ahaan soo galootiga dalkan Norway degan ayaa nolol ahaan ka hooseeyo nolosha dadka wadanka u dhashay, balse waxay SSB sheegtay inay aad ugu qanacsanyihiin noloshooda, marka la barbardhigo dadka wadanka u dhashay.

Soo galootiga Norway ayaa la daalaa dhacayo nolol ay hareereysay shaqo la´aan, guryo xumo, caafimaad xumi iyo xiriirka bulshada ay la leeyihiin oo yar, balse hadana waxey ku qanacsanyihiin noloshada ay heystaan.

Soomaalida ayay SSB sheegtay inay ugu dhaqaalo yaryihiin, guryuhu ay ciriiri ku yihiin, isdhexgalka bulshadooduna ay aad u yaryahay, balse hadana waxey aad ugu qanacsanyihiin noloshooda.

Wargeyska Aftenposten ayaa sidoo kale arintan warbixin ka diyaariyay, isaga oo wareystaya dad soomaali ah oo kala duwan. Halkan ka akhri qoraalka Aftenposten.no

Xigasho/kilde: SSB, Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments