Soomaaliya oo laga saaray tartanka koobka bariga iyo bartamaha Afrika: Ogow sababtan yaabka leh

0
149

Xiriirka Kubadda Cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ayaa Soomaaliya ka saaray dalalka ka qeyb-galaya koobka Qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee sanadkan ka dhacaya dalka Kenya. Tartankan ayaa socon doona 3-da ilaa 17ka Disembar ee sanadkan.

CECAFA ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto xaalad dagaal, sidaas darteedna looga saaray tartanka sanadkan, iyadoo la ogyahay dagaalo ka ka xoog badan kuwii hore ineysan ka jirin dalka.

Dalalka Liibiya iyo Zimbabwe oo aan ka mid ahayn xiriirka CECAFA, ayaa lagu casuumay tartankan, waxaana labada dal hadda aaney wax badan ka fiicneyn Soomaaliya dhanka xasilloonida siyaasadda iyo dagaalada.

Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya oo waxa kaliya ee uu ku faani jiray ay aheyd inay ka qeyb-galaan tartamada caalamiga ah, guulaba yeysan ka soo hoynine ayaa hadda u muuqda inuu gabay kaalintii ka qeyb-galka ku koobneyd.

Masuuliyiinta xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadlin warkan dhiilada leh, waxayna arintan ku soo aadeysaa xili bahda Isboortiga ay xiriirka ku eedeyaan inuu ku fashilmay horumarinta Isboortiga dalka.

Xigasho/kilde:Vanguardngr.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments