Soomaalida Norway oo lacag tiro ahaan ku dhow midii abaaraha u uruuriyay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Zoobe

0
219

Howsha lacag uruurinta dadkii ku waxyeeloobay qarixii magaalada Muqdisho ayaa hada mareyso meel gabo-gabo ah, iyada oo maalinta jimcaha ah ee isbuucan lasoo bandhigi doono tirada lacagta soo xarootay iyo magaalooyinka ay kasoo xaroodeen.

Gudiga gurmadka qaran Norway oo u istaagay howsha lacag uruurinta ayaa sheegay in lacagta ilaa hada soo xarootay ay ku dhowdahay tiro ahaan lacagtii ay soomaalida Norway iska uruuriyeen xiligii gurmadka abaaraha. Waxeyna sheegeen in soomaalida Norway ay si aad ah ugu istaagtay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Zoobe.

Soomaalida ku dhaqan wadankan Norway ayaa xiligii gurmadka abaaraha iska uruuriyay lacag kor u dhaafeyso hal milyan, oo xiligaas u dhigtay 114.900$

Arbacada ayaan xisaabta xiri doonaa:

Gudiga gurmad qaran Norway ayaa sheegay inay xisaabta lacag uruurinta soo xiri doonaan arbacada, sidaas darteed waxey ka codsadeen magaalooyinka aan weli lacagta soo dirin inay ugu danbeyn talaadada beri ah soo diraan.

Waxeyna sheegeen in jimcaha guud ahaan lasoo gaba-gabeyn doono howsha gurmadka abaaraha.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments