Safiya Haase oo u sharaxan bilada Østfoldprisen: Waxey ku guuleysan kartaa 100.000 nok.

0
117
Foto: Xasan Raasto/SNTV
Foto: Østfylket.no

Safiya Cabdi Haase oo kamid ah dumarka soomaaliyeed ee aadka uga dhex muuqdo soomaalida dalkan Norway, ayaa sanadkan 2017 mar kale u sharaxan ku guuleysiga bilada Østfold prisen. Waxeyna hada ugu danbeyn safiya tartan kula jirtaa labo nin oo norwiiji dhalad ah.

Biladan oo laga bixiyo gobalka Østfold ayaa waxaa la siiyaa qof kasoo jeedo ama degan gobalkaas, kaas oo qabtay howlo bulshada waxtar u leh. Qiimaha biladan ayaa ah 100.000 oo lacagta dalkan Norwey ah.

Safiya Abdi Haase ayaa horey ugu guuleysatay bilad sharafyo kala duwan, iyada boqorka dalkan Norwey uu horey u gudoonsiiyay heer sharaf heer qaran ah.

Hadii aad tahay qof rabtid inaad codkaaga siiso Safiyo, waxa aad ka codeyn kartaa halkan:

Stemme.Ostfold.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments