Sadex gabdho dhalinyaro soomaali ah oo dukaan online ah(nettbutikk) ka furay Norway.

0
340

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay, waxaa soo xoogaysanayay adeega ay dadku ku adeegtaan qaabka online-ka, kaas oo hada oo noqonayo suuq tartan fiican kula jiro dukaamada caadiga.

Dalkan Norway sadex gabdho dhalinyaro soomaali ah ayaa furay dukaan lagu iibiyo dharka dumarka oo online ah, kaas oo lagu magacaabo Queen Modesty. Dukaankan oo ay gabadhan fureen aaa waxaa lagu iibiyaa xijaabka dumarka, waxeyna sheegeen inay sii balaarin doonaan, ayna keeni doonaan dhamaan noocyada kala duwan ee dharka dumarka.

Ilaa hada dadka ugu badan ee ka adeegta waa dumarka ajaaniibta ah, waxeyse rabaan inay suuqa ugu badan ka helaan dumarka soomaalida ah ee dalkan ku dhaqan. Waxeyna sheegeen in qofku uu adeegan karo isaga oo gurigiisa joogo, alaabtiisa uu heli karo, isaga oo aan xaafada kasoo bixin.

Dukaankan ayaa noqon doonaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah(inta la ogyahay) oo ay gabdho soomaali ah ka furaan Norway.

Halkan ka gal: QueenModesty.com

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments