Oslo: Labo nin oo soomaali ah, heystana dhalashada Denmark iyo Holland oo 8 sano iyo 5 sano oo xabsi lagu xukumay. Ogow sababta!

0
163
Foto: © Mimsy Møller / Samfoto

Maxkamada magaalada Oslo ayaa labo nin oo soomaali ah, heystana dhalashada dalalka Denmark iyo Holland ku xukuntay 8 sano iyo 5 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi inay daroogo u qaadeen koox soomaali ah oo daroogada Oslo soo galisa.

Howlgalka labadan nin lagu soo qabtay ayaa qeyb ka ahaa howlgal ay booliska Oslo kusoo qabteen 7 nin oo soomaali ah, kuwaas oo ay boolisku sheegeen inay ahaayeen koox isku xiran oo ka ganacsata tahriibinta daroogada.

Labadan nin ee soomaalida ah ee xabsiyada lagu xukumay ayay maxkamadu ku heshay danbi ah inay shaqo u fuliyeen kooxdaas ay boolisku qabteen, taas oo ah inay kiilooyin daroogo ah ay u qaadeen.

Ninka soomaaliga ah ee heysta dhalashada Denmark ayaa qirtay danbiga lagu soo eedeeyay, waxaana loo qafiifiyay xukunka maxkamada, isaga oo lagu xukumay 5 sano iyo 6 bilood oo xabsi ah.

Soomaaliga kale ee heysta dhalashada Holland uu iska fogeeyay danbiga ay boolisku ku eedeeyay, balse maxkamada ayaa ku heshay danbiga, waxaana lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah.

Xukunkan ma ahan kii kama dambeysta ahaa, maadaama aysan wali cadeyn in ragan ay xukunka racfaan ka qaadaan doonaan iyo inkale. Qareenada ragan soomaalida ah ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiyaan xukunka lagu xukumay.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments