NRK: Waalid soomaali ah oo lagu xukumay garaacis ay u geysteen sadex ilmood oo ay dhaleen.

0
98
Foto: © Mimsy Møller / Samfoto

Sida uu qoray tv-ga qaranka Norway ee NRK, qeybtiisa Hedmark, hooyo iyo aabe soomaali ah ayaa maanta maxkamada gobolka Hedmark lagu xukumay 10 bilood oo xabsi ay shuruudi ku xirantahay ah, kadib markii lagu helay dacwad danbiyeed ah inay garaacis u geysteen sadex kamid ah caruurtooda.

NRK ayaa qorayo in waalidka lagu xukumay garaacis ay caruurtooda u geysteen, iyada oo la adeegsanayo waxyaalo uu kamid yahay suun.

Waalidka ayaa sidoo kale lagu xukumay inay magdhow dhan 60.000 nok siiyaan mid kasta oo kamid ah caruurtooda.

NRK iyo warbaahinta kale ee Hedmark ma cadeyn in waalidkan ay xukunka maxkamada racfaan ka qaadan doonaan iyo inkale.

 

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments