NRK oo barnaamij ka sameeyay afduubkii loo geystay shaqaalaha hey´ada NRC, xiligii uu madaxa ahaa Hassan Ali Kheyre

0
137

TV-ga qarankan Norway ee NRK, gaar ahaan barnaamijkiisa dabagalka ee Brennpunkt ayaa xalay soo daayay barnaamij laga diyaariyay afduub loo geystay afar shaqaale ah oo katirsanaa hey´ada NRC, qeybteeda geeska Africa. (Hoos ka daawo barnaamijkaas)

Afduubkan ayaa dhacay sanadkii 2012, Waxaana markaas NRC, laanteeda geeska Africa madax ka ahaa Xasan Cali Kheyre oo hada ah reysulwasaaraha Soomaaliya. Waxaana afduubka dirqi kaga baxsaday madaxa guud ee hey´ada NRC iyo waliba Xasan Cali Kheyre.

Brennpunkt ayaa wareysi la yeeshay labo kamid shaqaalihii lagu afduubtay weerarkaas, kuwaas oo sheegay inay jirtay dayacaad xaga amniga ah oo ka timid madaxda heyáda NRC ee howshaas masuulka ka ahaa.

Labo kamid ah shaqaalihii lagu afduubtay weerarkaas ayaa maxkamad la fuulay NRC, iyada oo maxkamada Oslo ay u xukuntay lacag magdhow ah.

Sidoo kale waxaa weerarkaas lagu dilay darawal soomaali ah, kaas oo wada gaariga shaqaalaha la afduubtay. NRC ayaa lacag 160.000 NOK oo magdhow ah siisay qoyska darawalkaas, lacagtaas oo 10 jibaar ka yar lacagta magdhowka ah oo ay heleen shaqaalaha cadaanka ah ee weerarkaas lagu afduubtay.

Shaqaalaha la afduubtay ayaa waxaa ugu danbeyn soo bad-baadiyay meleeshiyada Raas Kambooni oo uu xiligaas madax ka ahaa, Axmed Maxamed Islaan(Madoobe) oo hada ah madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Halkan ka daawo barnaamijka Brennpunkt ee NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments