Midowga Yurub oo isku raacay in faro iyo sawir laga qaado ajaaniibta isaga gudbo wamada EU-da.

0
132

Midowga Yurub ayaa dhamaadka isbuucii hore isku raacay in la sameeyo nidaam cusub oo ku aadan hubinta aqoonsiyada dadka ajaaniibta ah ee isaga gudbaya wadamada EU-da. Waxeyna isku raaceen in faro iyo waliba sawir laga qaado dadka aan u dhalan EU-da ee isaga gudba xuduudaha wadamada midowga Yurub.

Arintan ayaa qeyb ka ah qorshe ay midowga Yurub sheegeen inay rabaan inay ku xakameeyaan soo galootiga kusoo qul-qulaya wadamada EU-d, gaar ahaan kuwa woqooyga Yurub. Iyaga oo raaciyay iney sidoo kale qeyb ka noqon karto adkeynta amaanka iyo kahortaga falalka argagaxisnimo.

Qorshahan cusub ayaa waxaa ku bixi doono lacag dhan  480 milyan Yuuro, waxaana lagu wadaa inay sanado dhowr ah qaadato ilaa iyo marka uu si rasmi ah u dhaqangali karo. Waxaase lasoo jeediyay in si tijaabo ah loo bilaabo sanadka 2020.Wadamada Germany, France iyo Italy ayaa xoog badan ku bixiyay sidii uu qorshahan u meelmari lahaa.

Arintan ayaa la fili doonaa inay caqabad ku noqon doonto dadka magangalyo doonka ah ee raba inay isaga gudbaan wadmada Yurub, waxaana adkaan doonto xornimada socdaalkooda.

Xigasho/kilde: NewEUROBE.EU

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments