Qoraha maqaalkan: Abdijibaar Ahmed

Buugga uu qoray ninka la yiraahdo Patrick J. Buckanan wuxuu ugu magac daray buuggiisa “Geeridii Reer Galbeedka” oo luuqada Ingiriiska noqonaysa “The Death of the West”- Patrick J. Buckanan. Qoraaga buuggaani qoray ayaa ah nin aad loogu yaqaano caalamka oo idil qaasatan wadanka Mareykanka. Wuxuu lataliye qaas u ahaa seddax madaxweyne ee soo martay dowladaha Mareykanka. Kuwaasoo kala ahaa Richard Nixon, Gerald Ford iyo Ronald Reagan. Patrick wuxuu labo mar u tartamay madaxtinimada dalka Mareykanka sanadka markuu ahaa 1992 iyo 1996. Buuggiisa wax badan ayaad ka ogaanaysaa haddii aad aqriso, qaasatan sidda ay u fakarayaan dadyowga Reer Galbeedka. Wuxuu buuggiisa si diiran ugu qeexayaa in dadyawga reer Galbeedka aysan rabin caruurta inay dhalaan. Waxaana dhici doonto in dadka cadaanka ah ay ku yaraani doonaan dunidda – ayuu yiri.

Haddii aad aqrisato buuggiisa waxyaabo badan oo aad jaahil ka ahayd ayaad ka barani doontaa. Aniga Cabduljabaar ahaan qisada iigu cajiibka badneed ee aan buuggiisa ka aqriyay ayaa ahayd “Magaalo kamid ah dalka Talyaano waxaa ku nool 500 oo qof illaa mudo labo sano ah wax cunug ah kuma dhalanin, wuxuuna ku leeyahay gaariga ilmaha yar lagu qaado inta aysan socod baranin iyo naxashka dadka maydka ah la geliyo maanta waxaa badan naxashka” oo macnihiisa kala jeedo dadka geeriyoonaayo ayaa badan oo waxaa yar caruurta dhalanayso.

Wuxuu ku leeyahay Buchanan horumar walbo oo aan gaarnay waxaan u gaarnay dunidda seddaxaad, sawabtoo ah ayaga ayaa dhalo dadkii dunidda la wareegi lahaa, anaguse waxaan sii noqonaysaa xayawaanada sii dabar go’aayo” dabcan waa sawabta Soomaaliddii horre ee soo gashay dalkaan Norway loo yiri “sidda kaluunka ayaad noogu dhal-dhasheen halkaan”

Dadyow badan oo reer Galbeed ah ayaa hadda baraarugay. Norway ayaa ku baraarugtay arrintaasi, waa sawabta maanta Norway ay sii kordhisay lacagta lagu qaato marka uu cunuga dhasho. Dadka reer Galbeedka ninka guursada waxay u arkaan in durbadiiba duqnimada soo weerarayso, waxay u haystaan caruurta inay yihiin dhibaato iyo qaxar aanan laga bixi Karin. Laakiin sheekada sidda aad mooday ma ahan. Maxaa yeelay adiga waxaad tahay qof Muslim ah waxaadna aaminsantahay Illaahay iyo Rasuulkii s.c.w.

Hadaba Soomaalida kunool Norway wakhtiyadaan dambe waxaad moodaa inay ka gaabiyeen guursiga iyo dhalmada ubadka xalaasha ah. Sababtoo ah caruurta ayaa loogu cabsi qabaa dhaqan-xumo, diin xumo, caasinimo iyo inay ka qaataan haayada xanaada caruurta (barnevern). Qofwalbo marka aad si gaar ah ulla sheekeysato wuxuu kuu sheegayaa inay ku adagtahay korinta caruurta lagu koriyo dalkaan Norway. Dadka qaarkiisa waxay ku leeyihiin “waa macquul inaan dhaqso guursani lahaa haddii aan joogi lahaa wadamada ilbaxnimada fiican leh sidda Ingiriiska, Canada iyo Mareykanka.

Dadka qaar marka ay kaaga sheekeeyaan si qalbi nadiif leh waxay ku leeyihiin “Wadankaan marwalbo wuxuu soo saaraa sharciyo cusub oo dadka ajaanibta kasoo horjeedo, haddii aad TV-yada daawanayso wax kale oo horumar ah kama hadlaan ee aanan ka ahayn qaxooti (flyktning), luuqadooda oo adag, haddii aad iskudaydo inaad firfircooni dheeraad ah sameyso waxaa kusoo celinaayo jawiga sharciyada, maxaa yeelay waxaa jira dad badan oo raba inay iska shaqeystaan oo aanan rabin ama aanan maskax u haynin inay wax bartaan, waxaa intaasi kuu sii dheer marka aad maqasho qof ayaa sharciga laga qaatay Facebooga dartiisa ayaa loogu qaatay, adiga ayaa isla yaabaayo, waana sawabta Soomaalida dalkaan kunool ay inta badan u yihiin ‘dad nool hadana dhintay’”

Waxaa jira dhalinyaro badan oo iskuugu jira rag iyo dumarba oo wada gaaray aynigii guurka. Dhammaan waxay kuwada jiraan guryaha marka iskuul ama shaqo laga wada imaado. Waxaana wanaagsan in la helo bulsho isku dooban, sidda kali ee ugu fudud oo lagu heli karo ayaa ah in gabdhaha iyo wiilasha la isa siiyo. Waana dhaqankeennii suubanaa iyo mid diinteenna suuban. Qoyska Islaamka ah marka ay gabar u joogto waxaa waajib saaran ku ah inay gabadhaasi u raadiyaan wiilkii guursani lahaa, xittaa gabdhaha nool kaligood waxaa wanaagsan inay raadiyaan raga ay ku qanacsanyihiin.

Dhaqankii suubanaa ee Soomaaliyeed ayaa wuxuu ahaa gabdhaha marka ay ka waayaan nin guursada deegaankii ay deganayeen, waxay sameyni jireen inay si fiican u labistaan oo waliba dharka midka ugu qurxoon ay gashtaan ayay waxay aadi jireen deegaanadda ku dhaw-dhaw, waliba waxay u garaaci jireen albaabada si ay u weydiistaan haddii reerkaasi u joogaan wiilal aanan wali guursanin. Reerka waxaa waajib ku ah inay u guuriyaan wiilashooda mid kamid ah, waxayna ahayd ceeb in gabadhaasi la guursani waayo haddii reerkaasi wiilal u joogo oo ay diidaan inay guursadaan gabadha u imaaday ee albaabkooda soo qaraacday. Waxaana laga qaadi jiray reerkaasi gabadha diyadeeda.

Guurku waa aas-aaska nolosha aadamaha, waana mid ka mid ah nimcooyinka Alle ugu deeqay addoomihiisa waana nidaam la maro marka laba  qof oo kala jinsi ah lab iyo dhaddig  ay is doortaan si ay nolosha u wadaagaan inta noloshooda uga harsan, kuna  raaxaystaan faa’idooyinkiisa faraha badan ee ku duugan.

Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa, inaad guursato waa adiga dantaada waxaana kaa yaranaayo isla hadalka badan, inaad waxbarashada si fiican u fahanto iyo inaad hesho meel aad ku nasato oo aad dareento inaad tahay qof la sharfaayo. Diinta Islaamkuna  aad bay u dhiirogelisay guurka kuna boorisay ummadda Muslimka ah si aanay u  hilmaamin una dhalyasan qiimihiisa, isla markaana  ulla tartamaan ummadaha kale oo ay ku dadaalaan tarantooda iyo  faro badnaanshahooda waayo waa u  xoog iyo cuddud aan la liicin Karin oo ay yeelanayaan. Dadyawga kale ee aan sidooda u badanina kaga waabtaan ama kaga baqaan tirada ay leeyihiin awgeed,  hadday tayo ku darsadaanna  sidda ismaqal, wax wada qabsi, midnimo iyo wada jir waxa ay noqoneysaa awood aan lala soo barbar dhigi Karin, kartideeda iyo quwadeedana aan la qarin Karin ama la dhayalsani karin. Alle subxaanauhu watacaalaa waxa uu kitaabka Qur’aanka kariimka ah ku xusay in la guursado waxaana uu yidhi ”Guursada wixii idiin wanaagsanaada ee dumar ah laba laba, saddex saddex, iyo waliba afar ba”

W.Q: Abdijibaar Ahmed


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda, khibradaada ama hamigaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaaga noogu diri kartaa: Norsomnews@gmail.com

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz