Malyuun Hassan: Waalidku mar walba wanaag ayuu rabaa, balse isfahan daro ayaa jirto

0
196

Waxaan rabaa inaan fikirkeyga ku biiriyo dooda maalmahan ka socotay warbaahinta ee ku saabsan ubadka Soomaaliya loo celiyo. Aniga aragti ahan waxey ila tahay dooda ah in ilmaha loo geeyo Somalia dhaqan celin, waxaa sababay isfahan daro ka jirto xaga mushtamaca somalida iyo dowalda Norway. Waayo waalidku mar walbo waxa uu ka taliyaa wanaaga ilmahiisa, balse waxaa soo wajahdo arima badan sida caruurta oo mar walba amar diido sameeyo.

Tusaale, wiilasha oo habeenkii soo daaha oo xili danbe xaafada imaada iyo hablaha oo maqnaasho badan keena. Taasi waxey waalidka ku ridaa wel-wel ah inay fishaan in ilmahooda ay wax walba ku dhici karaan. Waalidka waxa uu ka walwalayaa meesha oo ilmihiisii yar jiro, waxuuna isla markii canaantaa ilmahiisa, waxaana dhici karto in ilmuhu jawaab ahaan u celshaan (hooyo/aabe halkaan maahan Somalia ee waa Norway). Ama caruurta ayaa marmar diidan in ay qur`anka bartaan ama salaada dukadaan. Marmarna waxaaba dhici karta xitaa in iskuulka ay darajo hoose ka joogaan, taas oo uu waalidku aad u xumaado. Marka waalidka waxa iskuugu tageyso ilmihii yaraa oo aad u dhibay, hadana uusan wax u sheegi karin, sidaas ayuuna Soomaaliya ugu kaxeeyaa si uu ilhamaasi yar wax u soo barto, isaga oo ka fakarayo wanaagsan ilmihiisa.

Maxaa xal?

Sida aan aniga qabo xalku waa in waalidka fursad lasiiyaa ama lafahansiiyaa in ilmahiisu ku kalsoonaado. Barana  caruurta marka yaryihiin, dhaqanka islaamka iyo kan soomaliyeed, maxaa yeelay mar haduu dhaafo 13jir, ilmahaga wey adag tahay sida aad ku fahasiiso dhaqankaaga iyo diintaba. Dhanka kale dowladana waa in ay isku daydo in ay xaliso   isku dhacyada ka yimaada waalidka iyo caruurta soomaaliyeed, si waalidka marnaba isdhihin walaaga kaxeesanayaa. Caruurtana ay u ogaadan waalidka oo wax ka go`aami karo noloshooda sida xilliga ay maqnaan karaan,  lasocoshada wax barashadooda iyo nadaafada iyo labiskooda.

Dhacdo aan goob joog u ahaa. Maalin ayaan xaafad booqday, waxaa daganaa reer soomaalí ah, waxey heysteen caruur badan. Mid ka mid ah caruurta ayaa lagu baryayay qubeyso oo cadiyeyso. ilmihii aad ayuu u qeylinaayan waxuuna rabay in oo iska baxo bilaa caday iyo qubeys ama fool dhaqasho. Hooyada reerka aad ayee u murugsaneed sababto ah waxey ka qabeysay hadde cunugtaan saas ku baxdo in laga kaxeesandoona caruurta oo idil. Ogow cuguga sidaan yeelayo waa 13jir.

Markiiba rerka waxaa faraha lasoo galay hay`ada xanaanada caruurta, wax yar kadib waxaanba arkay ilmihii oo wadanka laga kaxeeyay, taasi waxaa sabab u ahaa isfahandarada ka jirta dowlada iyo inaga dhexdeena. Waayo ilmahiiba waxaa iskuulka lagu baraa juuq idin lama dhihi karo, markaase aduunyo qasaayaan.

W/Q:   Malyuun Hassan


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga ka dhiibato arinta ku saabsan caruurta soomaalida ah ee wadankii loo celiyo, waxaad qoraalkaada noogu soo diri kartaa: Norsomnews@gmail.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments