Listhaug: Soomaalidu arintan waa inay wax ka qabataa, arintan inaysan socon karin dadka haloo sheego

0
92
Photo: Ze'ev Yanai

TV-ga qarankan Norway ayaa caawa laga sii daayay muuqaal iyo warbixin dheer oo ku saabsan sheekooyin xanuun badan oo ay la kulmeen caruur soomaali ah, kuwaas oo Norway laga dhaqan-celiyay, loogana soo tagay Soomaaliya.

NRK waxaa lagu casuumay wasiirada soo galootiga dalkan Norway, Listhaug oo sheegtay in ka waalid ahaan aysan fahmi karin in waalidiintu ay caruurtooda geeyaan meelahaas oo kale. Waxeyna raacisay inay muhiim tahay in soomaalidu ay dhexdooda arintan wax ka qabtaan, dadkana ay u sheegaan ineysan aheyn wax la aqbali karo.

Listhaug ayaa sidoo kale sheegtay in hadii ay jiraan caruur meel kale loo celiyay, ay muhiim tahay inay dalkoodii kusoo noqdaan(Norway), iyada oo raaciyay in caruurtan ay yihiin Norwiiji, ayna xaq u leeyihiin inay helaan nolosha ay noolyihiin caruuraha kale ee Norwiijiga ah.

Iyada oo dhanka kale raacisay in sharciga barnevernka iyo sharciba ciqaabtuba ay qaban karaan waalidka ilmahooda ku celiyo iskuulada lagu jirdilo, laakiin ay si hoose u eegi doonto sharciyada arintan ay khuseyso. Waxeyna raacisay in waxa ugu muhiimsan ay tahay in caruurtan la celiyo kahor inta aan Norway laga bixin.

Lasoo xiriira hey´ada Bisha Cas:

Wasiirada soo galootiya ayaa sidoo kale raacisay in safaarada Norway ee Kenya oo sidoo kale qaabilsan Soomaaliya, ay ilaa hada sanadkana ay qaabishay 45 kiis oo noocan oo kale ah. Ayna sidoo kale Norway kusoo celiyeen 10 dhalinyaro.

Xigasho/kilde: NRK.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments