Knut Hareide: In ilmaha lagu jirdilo, laguna qasbo dugsiyada quraanka ma ahan wax la aqbali karo!

0
158
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Waxaa wali socoto saameynta iyo raadka xoogan oo ay reebtay warbixin uu NRK ka diyaariyay  dhalinyaro soomaali oo Soomaaliya loo dhaqan-celiyay, sheegeyna inay lasoo kulmeen jirdil.

Waxaa arintaas shaley ka hadlay, wax laga xumaadana ku tilmaamay reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg. Iyada oo sheegtay in dowladeedu ay ku dadaali doonto sidii arintaas looga hortagi lahaa.

Gudoomiyaha xisbiga dhinaca diinta masiixiyada u janjeero ee KRF, Knut Hareide ayaa isna maanta sheegay in caruurta oo lagu qasbo, laguna jirdilo dugsi quraanada ay tahay wax aan la aqbali karin. Wuxuuna codsaday in la xoojiyo hey´adda xanaanada caruurta ee Barnevern-ka, isaga oo sidoo kalena amaanay isbadalka ay dowladu shaley sheegtay inay ku sameyn doonto sharciga Norway, si arintaas looga hortago.

Sideed wasiir oo katirsan oo dowlada dalkan Norway ayaa shaley shir deg-deg ah ka yeeshay arintan, waxeyna soo saareen soo jeedino hordhac ah, iyaga oo sheegay inay markale kulmi doonaan. Waxeyna shaley sheegeen in dowladu ay rabto in passporada laga qaado caruurta looga shakiyo inay Soomaaliya loo celinayo.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments