Kiiska soo galootiga oo ahaa qodobka ugu muhiimsanaa ee codbixiyayaasha doorashadii baarlamaanka Norway ee sanadkan.

0
147

Sida lagu sheegay xog uruurin cusub oo ay sameysay wakaalada xog uruurinta Norway ee SSB, kiiska soo galootiga ayaa ahaa qodobkii ugu muhiimsanaa ee dadka codkooda bixiyay doorashadii baarlamaanka Norway ee dhawaan dhacday.

28% dadka codkooda dhiibtay doorashadan ayaa sheegay in kiiska soo galootigu uu ahaa kan ugu muhiimsan oo ay ku fakarayeen marka ay codkooda dhiibanayeen doorashadan. Tiradaas oo labo jibaar ka badan tii doorashadii kasii horeysay ee sanadkii 2013, halka sanadkii 2001-da ay 4% dadka  codkooda dhiibtay uu kiiska soo galootiga muhiim u ahaa xiligii doorashada.

70% dadka u codeeyay xisbiga FRP ayaa xog uruurintan lagu sheegay inay xisbigiis ugu codeeyeen siyaasadiisa soo galootiga darteed. FRP ayay dadka xog uruurintan laga sameeyay sheegeen inuu ahaa xisbiga ugu fiican siyaasada soo galootiga.

Ap oo shaqadiisii lumiyay:

30% dadkii lagu wareystay xog uruurintan ayaa sheegay in xisbiga shaqaalaha ee Ap uu ku fiicanyahay arimaha shaqada, tiradaas oo labo jibaar ka yar tirada dadka aaminsanaa in Ap uu ku fiicanyahay arimaha shaqada sanadkii 2009 oo aheyd 60%.

Høyre ayaa xog uruurinta lagu sheegay inay dadka ugu codeeyeen siyaasadiisa canshuurta, caafimaadka iyo iskuulada.

Venstre ayaa isna lumiyay kalsoonida ay codbixiyayaashu xisbigaass ku qabeen siyaasada deegaanka ee xisbiga, Halka KRF uu lumiyay lahaanshaha codbixiyayaal badan oo ugu codeyn jiray siyaasada KRF ee qoysaska.

Xigasho/kilde: SSB.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments