Ka faa´iideyso fursadan: Ma u baahantahay in lagaa caawiyo dhisida luuqada Norwiijiga ama inaad korsato aqoonteeda?
Hadii aad u baahantahay in lagaa caawiyo dhisitaanka naxwaha luuqada afka Norwiijiga ama aad isku diyaarineyso imtixaan af-norwiiji ah, waxaad caawin iyo waxbarasho bilaash ah aad ka heli kartaa bydel Gamle Oslo oo fursad lacag la´aan siinayo dadka aqoon kororsiga afka Norwiijiga caawinta uga baahan.
Fursadan ayaa waxaa loogu talagalay dhalinyarada, ardeyda iyo dadka kale ee raba inay kordhisadaan aqoontooda afka Norwiijiga. Waxaana uu bixi doonaa maalmaha Talaadada iyo arbacada, inta u dhaxeyso 17:30 ilaa 20:30.
Marka ugu horeeyo ee uu qofku iska diiwaan galiyo waxbarashada, waxaa laga qaadi doonaa imtixaan lagu qiimeynayo heerka uu joogo, kadibna waxaa laga caawin doonaa mowduucyo kala duwan, iyada loo eegayo heerka uu markaas joogo.
legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga