Jens Stoltenberg oo mar kale raali galin siiyay Erdogan iyo Turkiga.

0
185

Xoghayaha guud ee Gaashaan buurta Nato, Jens Stoltenberg oo horey u ahaan jiray reysulwasaaraha dalkan Norway, ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha dalka Turkiga, R.D. Erdogan, si uu marlabaad raali galin uga bixiyo khalad uu ku kacay mid kamid askarta NATO ee dalkan Norway.

Dowlada Turkiga ayaa si deg deg ula baxday ciidamo Turki ah oo katirsan kuwa Nato oo tababar ku qaadanayay dalkan Norway, kadib markii goob lagu shiish barto(toogasho barto) la dhigay sawirka Kamal Mustafa Ataturk oo ah aas-aasaha jumhuuriyada Turkiya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa si caro ah uga hadlay arintaas, wuxuuna ku tilmaamay xurmad daro, isaga oo ku amray ciidamadiisa tababarkaas katirsanaa inay dalkooda kusoo noqdaan.

Xoghayaha Nato Jens Stoltenberg iyo waliba dowlada Norway ayaa arintaas raali galin ka bixiyay, iyaga oo sheegay inay baaritaan ku sameynayaan askarigii ku kacay falkaas xurmad darada ah. Balse Turkiga ayaa diiday inay aqbalaan arintaas, iyaga oo sheegay ineysan aheyn mid lagu xalin karo raali galin yar, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Turkiga Urdugan.

Jens ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Urdugan si uu mar labaad raali galin uga bixiyo arintaas. Wuxuuna cadeeyay muhiimada uu Turkigu u leeyahay gaashaan buurto Nato.

Wasiirka difaaca dalkas Norway Frank Bakke-Jensen ayaa sidoo kale raali galin ka bixiyay arintaas, wuxuuna sheegay ineysan dhacdadaas sinaba u matalin aragtida Norway ee Turkiga. Isaga oo raaciyay in Turkigu uu yahay saaxiib muhiim ah oo katirsan Nato, isla markaana ay Norway rabto inay xiriir dhow la lahaato.

Turkiga ayaa ah wadanka labaad ee ciidamada ugu xooga badan ku leh Nato, marka laga soo tago USA. Wuxuuna Turkigu xubin ka ahaa Nato ilaa sanadkii 1952.

Xigasho/kilde: VG.NO, NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments