Waxaa lagu jiraa xiligii jiilaalka ama winterka, iyada oo meelo badan oo wadanka ah uu mar horeba ka bilowday da´itaanka barafka. Balse gobolo badan oo wadanka ah, gaar ahaan bariga(Oslo ++) ayaan ilaa hada uusan ka di´in wax baraf ah.

Hey´adda saadaalinta cimilada ayaa saadaalisay in habeenka talaadada oo caawa ah uu bilaaban doono da´itaanka barafka ee gobolada bariga wadankan, gaar ahaan Oslo.

Sidaas darteed ayay dadka baabuurleyda ah uga digeen inay ku socdaan taayarada xagaaga ama sommerka, ayna yareeyeen xawaaraha baabuurta marka ay wadada socdaan.

Xigasho/kilde: NRK.NO

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of