Horyaalada kubadda cagta Norway oo soo xirmay: Waa sidee xaalada kooxaha ay laacibiinta soomaalida ah u ciyaaraan?

0
147

Waxaa shaley soo xirmay horyaalada kubadda cagta dalkan Norway, waxaana horyaalka heerka koowaad ku guuleystay kooxdo Rosenberg, halka Molde ay gashay kaalinta labaad.

Sidoo kale kooxda Bodø/glimt ay la galbatay horyaalka heerka labaad, iyada oo kooxda Start ay gashay kaalinta labaad.

Hadaba waxaa sanadkan kooxaha horyaalada heerka koowaad iyo kan labaad ee Norway ka ciyaariyay laacibiin soomaali ah:

Cabdisalaan Cadaay iyo kooxdiisa Vålerenga oo Oslo kadhisan waxa ay galeen kaalinta sideedaad.

Moussa Njie waa ciyaaryahan ay hooyadii soomaali tahay, aabihiina Gambian. Kooxda uu sanadkan u ciyaarayay ee Stabæk waxa ay galeen kaalinta sagaalaad. Moussa waxa uu xili ciyaareedkan dhaliyay hal gool, isaga oo caawiye ka ahaa gool kale.

Liibaan Cabdi iyo Haugesund waxay soo ciriirsadeen kaalinta 10-aad. Liibaan waxa uu sanadkan Haugesund u dhaliyay shan gool, isaga oo caawiye ka ahaa gool kale.

Ciise Midnimo iyo kooxdiisa Ullensaker/kisa waxa ay galeen kaalinta 6-aad ee horyaalka heerka labaad ee dalkan Norway. Ullensaker ayaa kamid ah lixda koox ee tartanka play-offka ah u gali doonto kamid noqoshada horyaalka heerka koowaad ee Norway.

Mohamed Ahmed(Mo) oo captan ka ah kooxda Tromsdalen ee magaalada ka ah waxa ay xoog kusoo xiriirsadeen kaalinta 9-aad. Mo waxa uu xili ciyaareedka Tromsdalen u dhaliyay todobo gool, waxa uuna caawiye ka ahaa afar kale.

Anas Farah Ali waa ciyaaryahan junior 17 sano jir soomaali ah, waxa uuna kamid yahay da´yarta kooxda Fredrikstad. Fredrikstad waxa ay sanadkan u degtay horyaalka heerka sadexaad dalkan Norway.

Xigasho/kilde: Altomfotball.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments