Hamar: Waalid soomaali ah oo iska fogeeyay danbi dacwadeed ay maxkamada Hedmark ku xukuntay.

0
93
Foto: © Mimsy Møller / Samfoto

Maalintii shaley aheyd waxaa maxkamada gobolka Hedmark waalid soomaali ah lagu xukumay 10 bilood oo xabsi ay shuruudi ku xiranyahay ah, kadib markii ay maxkamadu ku heshay danbi ah inay garaacis u geysteen sadex caruur ah oo ay dhaleen.

Mid kamid ah caruurta ayaa macalinkiisa iskuulka u sheegay in guriga lagu garaaco sanadkii 2014, waxaana sidaas kiiska kusoo galay booliska iyo hey´adda xanaanada caruurta ee Barnevernka, sida ay qoreen warbaahinta gobolka Hedmark. Caruurta ayaa waxaa markiiba la dajiyay goobaha sida kumeel gaarka ah loogu hayo caruurta gurigooda laga soo kaxeeyay.

Waalidkan soomaalida ah ayaa iska fogeeyay danbiga ay maxkamadu ku heshay, waxeyna cadeeyeen inaysan wax garaacis ah u geysan caruurtooda, sida uu qoray wargeyska Hamar-Arbeidsblad.

Aabaha dhaley caruurtan ayaa sidoo kale maxkamada ka hor sheegay in boolisku ay caruurtan afka u galiyeen inay dhahaan in waalidkood uu garaacay, taas oo ah waxa ay iyagu rabeen inay maqlaan.

Hooyada caruurtan ayaa sidoo kale aaminsan in boolisku ay caruurta cadaadis ku saareen inay waalidkood ku eedeeyaan inay garaaceen.

Labadan waalid ee soomaalida ah ayaa maxkamada ka hor sheegay inay dhici karto inay canaan u jeediyeen caruurta, balse aysan jirin wax garaacis ah oo ay u geysteen. Waxeyna sheegeen in dhaqanka soomaalida ee qaabka ilmaha loo koriyo uu ka duwanyahay kan norwiijiga.

Cadeymaha kali ah ee kiiskan waalidka soomaalida ah lagu xukumay ayaa ah sharaxaada ay bixiyeen caruurta, macalinkooda iskuulka, waalidka qoysaska caruurtan loo geeyay iyo dad kale oo xiriir la lahaa iyaga. Waxaana sidaas qoray wargeyska HA ee magaalada Hamar.

Maxkamada gobolka Hedmark ayaa rumeysay sharaxaada caruurta, waxeyna sheegtay iney adagtahay in caruurtu ay aliftaan sheeko ah in la garaacay. Waxeyna waalidka soomaalida ah ku xukuntay 10 bilood oo xabsi ay shuruudi ku xirantahay ah iyo magdhow dhan 60.000 ilmihiiba.

Xigasho/kilde: Hamar Arbeidsblad-papiravis , HA.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments