tirsdag, april 23, 2024

Goormee ayaa xukuumada cusub ee Erna Solberg lasoo dhisi doonaa?: Su´aal in badan nala soo weydiiyay.

Mudo sadex bilood iyo bar ah ayaa hada kasoo wareegtay markii ay dhacday doorashada baarlamaanka dalkan Norway. Walina isbadal kuma imaan qaab dhismeedka xukuumada Erna Solberg, oo waxaa wali haya wasiiradii hore ee Høyre iyo FRP.

Tan iyo marka ay doorashada dhacday waxaa nala soo weydiinayay su´aalo ku saabsan goorta isbadal lagu sameyn doono xukuumada Erna Solberg iyo in Listhaug ay sii joogo doonto iyo inkale.

Sida soo baxday isbuucyo kadib marka ay doorashada dhacday, xisbiga KRF ayaa banaanka ka istaagay inay xukuumad la dhistaan Solberg, maadaama uu meesha kujiro xisbiga kale ee FRP. Venstre ayaa dhankooda wax go´aan ah wali soo saarin, inkasta oo loo badinayo inay kusoo biiri doonaan xukuumada Solberg.

Miisaaniyada oo ay isku raaceen:

Inkasta oo KRF ay banaanka ka joogaan xukuumada Solberg iyo FRP, hadana waxey iyaga iyo Venstre isbuucii hore taageereen miisaaniyada Solberg ee 2018. Waana sanadkii 5-aad ee isku xiga oo ay taageero siiyaan miisaaniyada Solberg, inkasta oo ay dhinacooda meel marsadeen dhowr qodob oo KRF u muhiim ah.

Maadaama miisaaniyada sanadka 2018 loo ansixiyay, Xukuumada ay hogaamiso Erna ayaa kursiga si fiican salka ula heshay doorashada kadib. Taas oo ka dhigan inay ka badbaaday muran iyo isjiid jiid meelmarinta miisaaniyada ka qabsada, sidii ku dhacday sanadkii hore oo kale.

Goormee isbadal imaan/isku shaandheyn:

Waxaa muhiim ah in dadku ay fahmaan in Solberg aysan u baahneyn inay soo dhisato xukuumad cusub oo bilow ah, kaliya waxey u baahantahay inay wasiiro isku badasho, iyada oo boosas u baneyneyso xisbiga ama xisbiyada xisbiyada xukuumadeeda kusoo biiro.

Maadaama xisbiyadaas ay isku dar heystaan aqlabiyada baarlamaanka, uma baahno in wasiiradaas cusub ay kalsooni ka raadsadaan baarlamaanka, balse si toos ah ayay u shaqo galayaan marka lasoo magacaabo kadib.

Listhaug masii joogi doontaa:

Wasiirada soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada dalkan Norway ayaa hada ah xidigta xisbiga FRP, ahna siyaasiga loogu hadalheynta badantahay xiligan la joogo Norway. Ma muuqato in Erna Solberg ay ku dhacdo in kursiga Listhaug ay muran galiso, balse waxaaba dhici karto in loo magacaabo wasaarad cusub oo tan hada ay joogto ka xoog badan, sida wasaarada cadaalada.

Awooda xukuumada Solberg:

Doorashada baarlamaanka Norway kadib, xukuumada ay hogaamiso Solberg ayaa hada ah mid jilicsan, una nugul inay mar walbo dhici karto. Sababtuna waa inay mar walba taageero uga baahantahay labada xisbi ee kale, halkii markii hore ay taageero uga baahneyd labadooda midkood oo kali ah.

Markasta oo ay Erna Solberg rabto inay meelmariso qodob cusub, ama isbadal lagu sameeyo mid hore, waa inay taageero ka raadsataa xisbi ilaa xisbi kale, taasna waxey wiiqeysaa awooda fulinta xukuumada ay hogaamiso.

Waxaa mar horeba ku bilowday weerar ay soo qaadeen xisbiyada mucaaradka, iyaga oo ka meelmarsaday qodobo dhowr ah oo horey la isagu khilaafsanaa. Waxaa ugu muhiimsanaa arinta caruurta reer Afgaanistaan oo dhawaan xukuumada oo arkeyso maalin cad la meelmariyay.

KRF: Hilibka ma cuno, laakiin subagiisa ayaan jeclahay. 

Arinta iyadna u baahan fahanka oo dad badan wareerisay ayaa ah xiriirka ka dhaxeeyo xisbiga KRF iyo xukuumada Solberg. Waa sax KRF waa xisbi mucaarad ah, hadana dowlada si uun u taageersan, meeshana ku haya, miisaaniyadana u meelmariya.

Ma rabaan inay si toos ah xukuumada Solberg uga mid noqdaan, hadana ma rabaan inay xisbiyada mucaaradka ah si toos ah ugu biiraan, meeshana ka tuuraan xukuumada Høyre iyo FRP.

Hadii xisbiyada mucaaradka ay mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenaan xukuumada Solberg, mooshinkaas ma socon karo ilaa taageero uu ka helo xisbiga KRF oo haya furaha dhicitaanka ama joogitaanka Solberg.

Gunaanad:

Waxaan qoraalkan kusoo koobnay su´aalo badan oo isku dhow, dadkuna ay naga weydiinayeen xukuumada Solberg iyo doorashada kadib. Waxaan rajeyneynaa inaad wax uun ka fahanteen ama idiinka baxeen.

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x