Erna Solberg: Waa sharci daro in qaabkan caruurta loo dhaqan-celiyo

0
151

Waxaa cirka u shareeran, isla markaana ay warbaahintu si aad ah maanta u hadalheysaa arin ku saabsan caruur soomaali ah, kuwaas loo dhaqan-celiyay Soomaaliya, isla markaana jirdil kula soo kulmay goobo quraanka lagu barto oo Soomaaliya kuyaalo.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo daqiiqado kahor la hadashay NRK ayaa arintan ku tilmaantay sharci daro, waxeyna sheegtay in dowladeedu ay xoojin doonto ka shaqeynta sidii arintan looga hortagi lahaa.

Solberg ayaa sheegtay in arintan ay tahay mid aan u xanuun badan, in la arko caruur Norway ku kortay kuwaas oo la kulmayo dhaqamadaas noocaaas, waalidiintuna ay ka warqabeen. Iyada oo raacisay in arintaas ay tahay sharci daro tahay, marka loo fiiriyo sharciga dalkan Norway.

Erna ayaa sidoo kale sheegtay in waalidiintu ay masuul ka yihiin ilaalinta caruurtooda, isla markaana aysan sharci u laheyn inay u diraan wadankii, halkaas oo ay kula kulmaan dhaqmada noocaas oo kale ah. Waxeyna raacisay in dowladu ay lagama maarmaan ku tahay in arintaas laga hortago.

 

Jan Bøhler: Dowlada wax fiican arintan kama qaban

Jan Bøhler oo ah xildhibaan katirsan in reysulwasaarahu aysan sheegin waxyaabo fiican oo arintaas looga hortago. Isaga oo sidoo kale raaciyay in sideedii wasiir ee maanta shirtay aysan soo saarin qodobo ku filan ka hortaga arintaas.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments