Drammen: Shir ku saabsan caruurta la dhaqanceliyo oo axada Drammen ka dhici doono. Listhaug oo kasoo qeybgali doonto.

0
253

Magaalada Drammen waxaa axadan ka dhici doono shir balaaran oo looga hadli doono arimo badan, ayna kamid tahay arinta caruurta wadankii loo dhaqanceliyo. Waxaana lagu wadaa inay kasoo qeybgasho wasiirada soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug.

Sidoo kale waxaa shirkan kasoo qeybgali doono safiirka Norway ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya, iyo shaqaale katirsan safaarada Norway ee Kenya oo sidoo kale qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Dooda ku saabsan caruurta soomaalida ah ee la dhaqanceliyo ayaa maalmihii ugu danbeysay si aad ah looga hadalhayay guud ahaan wadankan Norway, gaar ahaana warbaahinta.

Sideed wasiir oo katirsan dowlada Ern Solberg ayaa jimcihii hore kulan ka yeeshay arintan, waxeyna soo jeediyeen dhowr qodob oo ay sheegeen inay rabaan in arintan looga hortago.

Shirka arintan looga hadli doono ayaa axadan(19-11-2017) ka dhici doono Hotelka Scandic Ambassadeur Drammen ee kuyaal bartamaha magaalada Drammen. Wuxuuna bilaaban doonaa saacada 14:00.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments