Waxaa maanta kulan deg-deg ah yeeshay sideed wasiir oo katirsan dowlada Norway, kuwaas oo sheegay inay ka arinsanayeen wixii laga yeeli lahaa xaalada caruurta soomaalida ah ee Soomaaliya loo dhaqan-celiyo. Wasiiradan ayaa soo jeediyay in isbadal lagu sameeyo sharciga dalkan Norway ee arintan khuseeyo, si wax looga qabto caruuraha Soomaaliya loo dhaqanceliyo.

Arintan ayaa timid kadib markii uu shaley NRK soo bandhigay sheeko caruur soomaali ah, kuwaas oo wadankan laga dhaqan-celiyay, jirdilna kala soo kulmay goobo quraanka lagu barto oo Soomaaliya kuyaal.

Passportka halaga qaado+ Lacagta hala jaro: 

Wasiirada arimaha soo galootiga oo saxaafada la hadashay kulanka kadib ayaa sheegtay in dowladu ay rabto in passporada safarka laga qaado caruurta looga cabsado in qoysaskoodu ay Soomaaliya u dhaqan-celiyaan. Waxeyna sheegtay in qodobkan uu kamid yahay qodobo dhowr ah, kuwaas oo ay dowladu rabto inay ku dhaqaaqdo si arintan looga hortago.

Listhaug ayaa sidoo kale sheegtay inay qiimeyneyso in dhaqaalaha taageerada waalidka laga joojiyo waalidiinta ilmahooda wadanka ka maqanyihiin wax ka badan sadex bilood.

Wasiirada caruurta ayaa sidoo kale sheegtay inay qiimeyn ku sameyn doonto sharciga barne-vernka, si arintan ay barnevernku wax uga qaban karaan.

Wasiiradan maanta kulmay ayaa sheegay inay mar kale kulmi doonaan, si ay arintan usii gorfeeyaan.

Xigasho/kilde: TV2.NO, NRK

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of