Denmark: Raga soomaalida oo noqday kuwo ugu badan ee jabiya sharciga danbiyada ee dalka Denmark

0
202

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa dalkan Norway ka socotay dood aad u xoogsan, taas oo ku saabsan in wasiirada soo galootiga dalkan Norway ay wakaalada xog uruurinta ka dalbatay in tirokoob lagu sameeyo dalalka ay kasoo jeedaan dadka danbiyada ka geysta Norway.

Wakaalada xog uruurinta ee SSB ayaa horey uga diiday xubnaha baarlamaanka FRP inay tirokoob ku sameyso dalalka ay kasoo jeedaan dadka danbiyada gala, waxeyna sheegtay inay arintaas u aragto faquuqid iyo takoorid lagu sameynayo dadka soo galootiga ah. Balse wasaarada cadaalada dalkan Norway iyo wasiirada soo galootiga ayaa SSB ku amartay inay tirokoobkaas sameeyaan. SSB ayaa hoostagto wasaarada maaliyada dalkan Norway oo sidoo kale ay wasiirad ka tahay  Siv Jensen oo ah gudoomiyaha xisbiga FRP.

Wargeyska Aftenposten ee dalkan Norway ayaa warbixin ka qoray dalka Denmark oo xisbiga FRP ay rabaan inay arintan kasoo minguuriyaan. Wakaalada xog uruurinta dalka Denmark ayaa tobankii sano ee ugu danbeeyay sanad walba soo bandhigi jirtay tirokoob ku saaban dalalka ay kasoo jeedaan dadka Denmark danbiyada ka geysta.

Raga soomaalida oo kujiro kaalinta labaad:

Warbixinta tirokoobkii ugu danbeeyay oo ay soo saartay wakaalada xog uruurinta dalka Denmark ayaa sheegeyso in raga soomaalidu ay kujiraan kaalinta labaad ee raga soo galootiga ah ee danbiyada ka geysta Denmark. Waxaana kaalinta koowaad kujiro raga kasoo jeedo dalka Lubnaan.

isku dar 553 rag soomaali ah ayaa dalkaas danbiyo ka geystay, sida ku xusan warbixintii dalka Denmark kasoo baxday sanadkii 2016. 222 ragan kamid ah ayaa ah kuwo yimid dalka Denmark, halka 33 ay yihiin dhalinyarada soomaalida ah ee ku dhalatay Denmark.

Raga soomaalida ah ayaa sidoo kale ah dadka ugu badan ee lagu xukumo jabinta sharciyada danbiyada, sida dhaca ama boobka, gacan ka hadalka, kufsiga iyo awood u sheegashada. 37% raga soomaalida ah ee wadankaas yimid iyo 52% dhalinyarada soomaalida ah ee Denmark ku dhashay, waxaa lagu xukumaa jabinta danbi ciqaabka.

Caruurta ayaa ka daran waalidkood:

Warbixinta Denmark ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dhalinyarada ajaaniibta ah ee ku dhalatay dalka Denmark, ay galaan danbiyo ka badan kuwa ay waalidkood galaan. Danbiyada ay geystaan caruurta soo galootiga ah ee dalka Denmark ku dhashay, ayaa  Arintaas oo ah mida muranka uga badan ka dhex- dhalisa siyaasiyiinta dalka Denmark.

Sidoo kale waxaa warbixintaas lagu xusay in 82% guud ahaan danbiyada laga geysto dalka Denmark ay galaan dadka dalka Denmark u dhashay(asalka ah).

FRP ayaa raba in la sameeyo warbixintaas oo kale, si sanad walba looga hadlo danbiyada ay soo galootigu galaan iyo dalalka ay kasoo jeedaan dadka danbiyada gala. Waxeyna arintaas sida Denmark mar walba abuuri doontaa dood aan dhamaad laheyn. Warbixinta ugu horeyso ee Norway laga diyaariyay ayaa lasoo bandhigi doonaa dhamaadka sanadkan.

 

Xigasho/kilde: Aftenposten-papir-avis: 4-11-2017, side 12. Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments