Denmark: Nin Denmark laga tarxiili lahaa oo geeriyooday, kadib markii ay si xun ula dhaqmeen booliska.

0
142

Waaxda madaxa banaan ee baaritaanka ku sameysa khaladaadka booliska dalka Denmark, ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan nin laga tarxiili lahaa dalkaas oo geeriyooday intii uu wadada kujiray. Ninkan oo 34 sano jir ayaa u dhashay dalka Aljeeriya.

Isniintii ayaa ninkan lagu waday in laga tarxiilo dalka Denmark, waxaana garoonka diyaaradaha Copenhagen xoog ku geeyay booliska dalkaas. Labo maalmood kadib ayay warbaahinta Denmark sheegtay in ninkaas uu ku geeriyooday isbitaalka, kadib markii halkaas isaga oo miyir la´a, waxaana ay dhaawacyo kasoo gaaray howsha tarxiilka.

Waaxda booliska dabagalka ku sameysa ayaa warka ay soo saareen ku sheegay in ninkaas uu ku miyir beelay diyaarada, markii danbena uu ku geeriyooday isbitaalka. Mana aysan sheegin faah-faahinta sababta keentay miyir beelka ama dhimashada markii danbe. Iyaga oo dhanka kale cadeeyay inay dhacdadan baaritaan ku wadaan.

Goobjooge diyaarada la saarnaa ninkan la tarxiili rabay ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaas ay si xun ula dhaqmeen booliska, ayna arkeen sadex nin oo booliska katirsan, kuwaas oo ninkan dhulka ku cadaadinaya.

Goobjooge kale ayaa sheegay inuu maqlayay ninkan Aljeeriya u dhashay oo qeylinaya, codsanaya in la caawiyo.

Booliska Denmark iyo dowladaba, wax war ah kama soo saarin ilaa hada arintan.

Xigasho/kilde: TV2.DK Ekstrabladet.dk, Dagbladet.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments