Denmark: Caawa waxaa TV2-Denmark ka bixi doono barnaamij looga hadlayo caruurta soomaalida ah ee la dhaqan-celiyo.

0
234

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay dalkan Norway ka socotay dood ku saabsan caruurta soomaalida ah ee wadankii loo dhaqan-celiyo, si loo geeyo dugsi quraan. Waxaana ay arintaas bilaabatay kadib markii dhalinyaro soomaali ah ay NRK uga warbixiyeen dhibaatooyin ay kala soo kulmeen goobo quraanka lagu barto oo Soomaaliya kuyaalo.

Denmark ayaa waxaa sidoo kale ka bilihii ugu danbeeyay ka socday dood ka xoog badan tan Norway hada ka socoto, taas oo ku saabsan isla mowduucan ilmaha Soomaaliya loo dhaqanceliyo. Baarlamaanka Denmark ayaa bilo kahor soo bandhigay soo jeedin ah in sharciga Denmark lagala noqdo waalidka ilmahooda u dhaqanceliya wadankii.

Caawa waxaa TV-ga dalka Denmark ee TV2 ka bixi doono qeybta labaad ee barnaamij ku saabsan caruurta dhalinyarada ee Denmarku ku dhalatay, balse loo dhaqanceliyay wadankii ay waalidkood kasoo qaxeen. Waxaana barnaamijka lagu wareysan doonaa gabar dhalinyaro soomaali ah oo lagu magacaabo Yasmiin Osman, kana mid ah caruurta soomaalida ah ee dalkii loo dhaqanceliyay.

Barnaamijkan ayaa bixi doono caawa, saacada 21:00. Waxaana hubaal ah in maalmaha soo socdo ay warbaahinta wadanka Denmark ay arintaas si weyn uga hadli doonaan. Sidoo kale siyaasiyiintuna ay dhankooda soo jeedin iyo go´aamo keeni doonaan.

Xigasho/kilde: TV2.DK 

Mahad gaar ah: Abdirahman Ali Odasuge oo arintan nala wadaagay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments