Dalka Giriiga oo diiday inuu qaabilo qoxooti dalkaas faro ku leh oo Norway laga soo celin lahaa

0
868

Dowlada dalka Giriiga ayaa diiday inay qaabisho qoxooti dalkaas faro ku leh, kuwaas oo magangalyo weydiistay Norway, balse ay Norway rabtay inay dib ugu celiso dalka Giriiga, iyaga oo tixraaxaya xeerka Dublinka.

Norway ayaa ilaa hada Giriiga ka codsatay inay qaabisho 39 qof, waxeyna diideen 20 kamid ah, halka 3 kamid ah ay aqbaleen. Iyada oo Giriigu ay wali ka shaqeynayaan codsiga Norway ee 16-ka kiis ee kale.

Awood uma lihin:

Inkasta oo dowlada Giriiga aysan si rasmi ah u cadeyn sababta ay u diiday qaabilada qoxootiga faraha kuleh wadankeeda, iyada oo la tix raacayo heshiiska Dublin-ka. Balse ilo katirsan dowlada Giriiga ayaa wargeyska The Times u sheegay in Giriigu xiligan hada la joogo uusan awood u laheyn inuu qaabilo qoxootiga laga soo celinayo wadamada kale ee Yurubta ah.

Waxeyna sheegeen inaysan macquul aheyn in Giriigu uu xiligan dib u qaabilo qoxootiga laga soo celinayo wadanka Germany iyo wadamada kale ee woqooyiga Yurub, iyada oo ay Giriigu la tacaalayaan dib u dajinta 60.000 oo qoxooti ah oo dalkaa sku sugan.

Xeerka dublinka ayaa dhigayo in qofka lagu celiyo wadanka ugu horeeyo ee uu magangalyo weydiisto, farahana looga qaado. Balse dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa soo baxayay cadaadis soo foodsaaraya wadamada Malta, Italy iyo Giriiga kuwaas oo hoy u noqday boqolaal kun oo qoxooti ah oo laga soo celiyay wadamada kale ee Yurub.

Xigasho/kilde: MSN/NTB

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments