Dagen: Venstre oo Erna Solberg shuruud uga dhigay inay Listhaug xilka ka wareejiso.

0
135

Sida uu wargeyska Dagen kasoo xigtay labo ilo wareed oo kala duwan, xisbiga Venstre ee wadahalada kula jiro xisbiyada dowlada ee Høyre iyo Frp, ayaa reysulwasaare Erna Solberg hordhigay shuruudo ay kamid tahay inay Listhaug xilka ka wareejiso, si ay uga mid noqdaan xukuumadeeda.

Wadahalada Venstre iyo Xisbiyada ayaa soo jiitamayay in mudo ah, inkasta oo Erna Solberg ay sheegtay inay heystaan waqti ku filan. Horey waxaa wadahalada uga baxay xisbiga kale ee KRF.

 

Frp ayaa horey u sheegay in wasiirada soo galootiga ay tahay laba taabtaan, waxeyna sheegeen inayba rabaan in laga dhigo wasiirada dastuurka. Listhaug ayaa taageero aad u weyn ka heysato gudaha xisbiga FRP, waxaana lagu wadaa inay kamid noqon doonto hogaanka xisbiga sanadaha soo socdo.

Lama garan karo saameynta ay arintan ku yeelan karto wadahalada ay Venstre kula jiraan xisbiyada dowlada, iyo inay Solberg usoo dabci doonto shuruudooda iyo inkale.  Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in ugu danbeyn la ogaado natiijada wadahalada ay ku jireen xisbiyada.

Xigasho/kilde: Dagen.no, ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments