Dagbladet: Xisbiyada mucaaradka oo isku raacay in Listhaug laga qaado awooda amar siinta hey´adda UNE

0
156
Photo: Ze'ev Yanai

Xisbiyada mucaraadka ee baarlamaanka Norway ayaa isku raacsan in dowlada laga qaado awooda ay wareegtooyinka ku maamuli karto hey´ada UNE oo ah hey´adda qaabisha cabashada ay dadku kasoo gudbiyaan go´aamada hey´adda UDI-da.

Xisbiyada Ap iyo Sp ayaa isku raacsan in taageerada lagala noqdo qodob kamid ahaa heshiiskii adkeynta siyaasada qoxootiga ee xisbiyada baarlamaanka Norway ay galeen sanadkii 2015-ka.

Qodob kamid ah heshiiskaas ayaa dhigayay in dowlada ay lahaato awood ay wareegtooyin ku maamuli karto hey´adda UNE. Xisbiyada Venstre, SV iyo KRF ayaa arintan horey uga soo horjeeday, waxaana hada kusoo biiray xisbiyada Ap iyo Sp.

Stein Erik Lauvås oo ah afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga Ap ayaa sheegay in marlabaad ay Listhaug la kulmi doonto guuldaro siyaasadeed, ayaduna ay masuul ka tahay. Isaga oo raaciyay in arintaas ay dhaqan gali doonto dhawaan.

Xisbiyada mucaaradka ayaa isbuucyo kahor meelmariyay in jaanis labaad la siiyo da´yarta reer Afgaanistaan ee magangalyada kumeel gaarka ah heysta.

Heshiiska ay xisbiyada baarlamaanka Norway galeen November 2015-ka, ayaa ahaa mid looga hortagayay soo galootigii tirada badnaa ee xiligaas Norway kusoo qulqulayay. Wuxuuna heshiiskaas ku egyahay bisha Janaury sanadka 2018,iyada oo ay muuqato in dowladu ay lumineyso awooda sii dhaqan-galinta qodobo badan oo heshiiskaas kamid ah.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments