Booliska: Gabadha soomaalida ah ee la waayay, waxay ka tagtay mobilka gacanta iyo kaarka bankiga.

0
290
Foto: Oslo Politi-Twitter

Waxaa hada mudo isbuuc iyo bar ah la la´yahay gabar 15 sano jir soomaali ah, taas oo labadii bishan November aan gurigeeda kusoo noqon marka ay kasoo baxday iskuulka ay dhigan jirtay. Booliska ayaa maanta sheegay ineysan wali heynin macluumaad badan oo ku saabsan meesha gabadhan ardayada soomaalida ah ay ku danbeysay.

Anders Lunnan Oksvold oo katirsan laanta dadka la la´yahay ee booliska Oslo ayaa wargeyska lokalka ah ee Akersposten u sheegay in gabadha la waayay ay iska reebtay kaarka bankiga iyo mobilka gacanta, ayna dhici karto inay iyadu iskeed u dhuumatay, aysana rabin in lasoo helo. Wuxuuna raaciyay in boolisku aysan hada ka cabsi qabin in gabadha ay ku dhaceen wax nolol ahaan iyo caafimaad ahaanba khatar ku ah.

Anders Lunnan ayaa sidoo kale sheegay in boolisku ay wada  hadal fiican  la leeyihiin qoyska gabadha, saaxibadeed iyo iskuulka ay dhigan jirtay.  Booliska ayaa sidoo kale sheegay in gabadhan 15-sano jirka soomaalida ah aysan wadanin passport, sidaas darteed ay yartahay jaaniska ah inay wadanka dibadiisa ku sugantahay.

Booliska ayaa wali dadweynaha ka codsanayo inay lasoo xiriiraan hadii ay arkaan gabadha 15-jirka soomaalida ah ama heyso macluumaad kale oo arintan la xiriira, inay lasoo xiriiraan booliska Oslo. TLF: 22 66 90 50.

Xigasho/kilde: Akersposten.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments