Deg-deg: Baarlamaanka Norway oo Listhaug ku qasbay inay joojiso caruurta ay Afgaanistaan u tarxiileyso.

0
85
Listhuag

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa maanta si deg deg ah ku meelmariyay qodob lagu istaajinayo tarxiilka ay dowlada Norway tarxiileysay dhalinyarada heysata magangalyada kumeel gaarka ah, kana yar da´da 18-ka sano.

Isbadalkan deg-deg ah ayaa waxaa keenay xisbiga shaqaalaha ee Ap oo shaley sheegay inay kasoo horjeedaan tarxiilka dhalinyaradaas, waxeyna codsadeen in la siiyo jaanis cusub oo baahidooda magangalyo lagu qiimeeyo.

Xisbiyada SV, KRF, Venstre, MDG iyo Rødt ayaa horey arintan u taageersanaa, waxaana saaka qodobkaas taageeray xisbiga Sp, wuxuuna sidaas baarlamaanka uga helay aqlabiyad buuxdo.

Ap ayaa dowlada ka codsaday in mar kale dib loo qiimeeyo sharciga magangalyada dhalinyarada, kahor inta aan lagu celin Afgaanistaan, waxeyna taas keeni doontaa in qaar badan oo kamid ah ay magangalyo Norway kusii joogaan.

Gudaha xisbiga shaqaalaha ayaa waxaa bilihii ugu danbeeyay ka socday dood adag oo arintan ku saabsan, waxaana muuqday cadaadis madaxda xisbiga uga imaanaya xubanaha, kuna saabsan in arintan dowlada laga hor istaago. Gudoomiyaha xisbiga, Jonas Støre aya ugu danbeyn sheegay in xisbigiisu uu arintaas kasoo horjeedo.

Xigasho/kilde: VG

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments