Australia: Booliska Australia oo qabtay wiil soomaali ah oo looga shakiyay inuu weerar isku diyaarinayay.

0
178
Cali khaliif Shire Wiilka Australia lagu qabtay. Foto:Mark Stewart

Booliska dalka Australia ayaa sheegay inay qabteen Cali Khaliif Shire oo ah wiil 20 sano jir soomaali ah, kaas oo ay sheegeen inay uga shakiyeen inuu is diyaarin ugu jiray weerar argagaxiso oo uu qaadi lahaa habeenka dhalashada sanadka cusub.

Booliska maamul goboleedka Victoria iyo laamaha sirdoonka dalka Australia ayaa sheegay in 20 jirka soomaaliga ah shaley lagu qabtay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Australia ee Melbourne.

Wiilkan ayay boolisku sheegeen inuu qorsheynayay inuu hub iibsado, si uu dad badan ugu dili fagaaraha Federation Square ee bartamaha magaalada Melbourne, halkaa oo ah goob ay isugu yimaadaan dad aad u badan xiliga dhalashada sanadka cusub.

Labaatan jirkan soomaaliga ah ee la qabtay ayaa ku dhashay dalka Australia, waxaana ay boolisku sheegeen inuu aad ugu xirnaa kooxda Daacish ee sheegata khilaafada dowlada islaamiga ah.

Danbiga wiilkan lagu soo oogi doono, ayaa hadi lagu helo, wuxuu keeni karaa in lagu xukumo xabsi daa´in.

Xigasho/kilde: The Australian.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments