Askim: Wiil 7 sano jir soomaali ah oo shaley la waayay oo xaley ay boolisku xaqiijiyeen inuu geeriyooday

0
155
Foto: Joakim Chavez Seldal Smaalenenes Avis

Booliska magaalada Askim ee gobolka Østfold ayaa xalay saq dhexe xaqiijiyay in la helay meydka wiil 7 sano jir soomaali ah, kaas oo shaley aan gurigiisa kusoo noqon, kadib marka uu iskuulka kasoo baxay.

Meydka A.H.N wiilkan geeriyooday ayaa laga helay meel biyo xireen ah oo aan wax badan ka fogeyn iskuulka uu dhigan jiray, waxaana biyaha kasoo bixiyay bad quusayaal shaley ay boolisku ka dalbadeen inay ka qeybqaataan howlgalka raadinta wiilkan yar ee la weysanaa.

Qoyska wiilkan ayaa shaley boolisku ku wargaliyay inuusan xaafada kusoo noqon iskuulka kadib, waxaana shaley galabtii socday howgal balaaran oo lagu baadi-goobayo wiilkan, iyada oo xaley xili danbe ay boolisku saxaafada u sheegeen inay heleen meydka wiilkan yar ee soomaaliga ah.

Boolisku ma sheegin sababta keentay geerida marxuumka yar ee soomaaliga ah, iyaga oo raaciyay inay baaritaan ku sameyn doonaan.

Warbaahinta lokalka ah ayaa qoreyso in qof katirsan qoyska wiilkan uu iskuulka kasoo wadi lahaa, balse uu isagu doortay inuu kaligiis xaafada aado.

 

Xigasho/kilde:Smaalenes AvisDagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments