Ardeyda rabta inay codsato kuliyada «Kalkaalisada caafimaadka» oo shuruud cusub lagu xiri doono.

0
154

Dowlada Norway ayaa sheegtay inay soo rogi doonto shuruud cusub oo lagu xiri doono ardeyda rabta inay codsato kuliyada kalkaalisada caafimaadka»Sykepleier». Shuruudaas oo ah inay isku cel-celis maadooyinka luuqada Norwiijiga iyo xisaabta ka heystaan natiijo(karakter) ah 3 iyo wax ka badan.

Dowlada ayaa sheegtay in ujeedka soo rogista shuruudan cusub ay tahay in la xoojiyo kuwaalitiga kuliyada, isla markaana ardeyda soo galeyso kuliyadan ay ku fiicnaadaan xisaabta iyo luuqada norwiijiga. Waxeyna sheegtay inay muhiim tahay in qofka ka shaqeeyo xirfada kalkaalisada caafimaadku uu ku fiicnaado qiyaasta iyo maamulka daawooyinka, iyo sidoo kale inuu xiriir fiican la sameyn karo qofka bukaanka ah.

Kalkaalisada caafimaadka ayaa kamid ah kuliyadaha loogu codsi badanyahay jaamacadaha dalkan Norway, sidoo kale waxaa kuliyadan dhigta ama codsada boqolaal ardey soomaali ah oo gabdho u badan.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments