10 dhalinyaro reer Afgaanistaan ah oo Norway laga tarxiilay, kadib marka ay 18 sano buuxiyeen.

0
178

Sida laga soo xigtay tirokoob ay sameysay laanta booliska Norway u qaabilsan soo galootiga, 10 dhalinyaro reer Afgaanistaan ah ayaa wadankoodii si qasab ah loogu celiyay, kadib markii ay buuxiyeen 18 sano.

Dhalinyaradan ayaa markii hore magangalyo kumeel gaar ah ka helay Norway, kadibna waxaa mar kale dib u qiimeyn lagu sameeyay magangalyadooda marka ay 18 sano buuxiyeen. Iyada oo markii danbena si qasab ah lagu tarxiilay.Dhalinyaradan wadankoodii loo tarxiilay ayaa la sheegay inay la socdeen waalidkood.

Isku dar dhowr boqol oo dhalinyaro reer Afgaanistaan u badan ayaa kujiro xaalad wel-wel ah, kadib markii lagu wargaliyay in wadankoodii dib loogu celin doono. Iyada oo qaar badan oo kamid ah dhalinyaradaas ay ka qaxeen Norway, magangalyadana ay weydiisteen wadamo kale, sida Germany, France, Spain iyo Holland.

Norway ayaa ah wadanka kali ah ee Yurub ee bixiya magangalyo da´ ku xiran. Baarlamaanka Norway ayaa waxaa hada ka socdo dood ku saabsan in si kumeel gaar ah loo joojiyo tarxiilka dhalinyaradan. Maadaama xaalada amaan ee Afgaanistaan ay tahay mid aan la isku haleyn karin.

Xigasho/kilde: RBNETT/NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments