Wasiirka Arimaha dibadda Norway oo ka tacsiyeeyay musiibadii ka dhacay Muqdisho

0
157
R.W Soomaaliya iyo Wasiirka arimaha dibada Norway

Wasiirka xilka kasii dagayo ee arimaha dibadda dalkan Norway, Børge Brende ayaa tacsi ka diray musiibadii magaalada Muqdisho lagu xasuuqay dad kor u dhaafayo 300, iyada dhaawucuna uu 500 gaarayo.

Brende oo bartiisa Twitterka dhowr mar qoraalo kusoo qoray ayaa muujiyay sida ay Norway uga xuntahay musiibada Soomaaliya ka dhacday, sheegeyna in Norway ay gacan ka geysan doonto wax ka qabashada dadka ku waxyeeloobay musiibadaas.

Børge Brende oo xilka kasii dagayo ayaa sidoo kale fariin u diray dowlada Soomaaliya, sheegeyna inay Norway garankooda ka fiiriyaan.

Ilaa hada waxay isbitaaladu sheegayaan in dad kor u dhaafayo 300 ay muusibadaas ku geeriyoodeen, walina waxaa jiro meydad laga soo gurayo burburka dhismayaasha hoostooda.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu xumaa abid ee taariikhda dagaalada Soomaaliya.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments