tirsdag, mars 19, 2024

Waa imisa mushaarka xildhibaanada baarlamaanka Norway?

Baarlamaanka cusub ee Norway ayaa maalintii shaley aheyd yeeshay kalfadhigoodii ugu horeeyay ee xili baarlamaaneedkan, waxaana sida caadada ah kalfadhiga furay boqorka dalkan Norway. Sanadkan waxaa baarlamaanka Norway kamid noqday xubno cusub oo aan horey ugu jirin, halka qaar kalena ay sii xajisteenn kuraastoodii baarlamaanka.

Baarlamaanka Norway oo ka kooban 169-xildhibaan ayaa leh gudi gaar ah oo qaabilsan jaangoynta mushaarka xubnaha baarlamaanka iyo wasiirada dowlada. Waxey sanad walba Bisha May soo saaraan mushaarka iyo gunooyinka kala duwan ee baarlamaanka iyo wasiirada, iyaga markaas u eegaya xaalada guud ee dhaqaalaha wadanka.

Mushaarka baarlamaanka Norway:

Xubnaha baarlamaanka Norway ee caadiga ayaa sanadkii mushaar ahaan u hela 928.602 NOK, oo u dhiganta bishii 77.000 Nok. Ama dollar ahaan lacag u dhaxeyso 115.000 ilaa 120.000 $ sanadkii.

Waxaa intaas sii dheer in xubnaha baarlamaanka laga bixiyo lacagta telefoonada iyo safarka dalka gudahiisa, iyo dibadiisa(hadii uu gudiga mushaarka ay ogolaadaan).

Xildhibaanada aan reer Oslo aheyn ayaa sidoo kale helaya guri camiran oo ay degaan afarta sano ee baarlamaanka ay kamid yihiin. Baarlamaanka Norway ayaa iska leh 147 guri-martiyeed oo Oslo kuyaal, kuwaas oo loogu talagalay inay degaan xildhibaanada baarlamaanka kasoo gala magaalooyinka Oslo ka baxsan.

Xildhibaanada ka baxay baarlamaanka ayaa xaq u leh in mushaarkoodii uu usii socdo, ilaa sadex bilood oo kale oo ka bilaabata marka xilka wareejiyaan.

From Ardey sabool ah to hal milyan oo mushaar ah:

Freddy André Øvstegård
Foto: SV

Xubnaha baarlamaanka Norway sanadkan soo galay waxaa kamid ah Freddy André Øvstegård oo katirsan xisbiga SV, baarlamaankana kasoo galo gobalka Østfold.

Freddy oo 22 sano jir ah, waxa uu bilo kahor ahaa Ardey sabool ah, isla markaana guri la qeybsado saaxiibadii oo ay kirada wada bixin jireen. Hada waxa uu galay nasiibka, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan doonaa sanadkii lacag ku dhow hal milyan. Waxaana intaas usii dheer inuu helo doono guri uu dago oo isaga u gaar ah.

Xigasho/kilde: Stortinget.no, NRK.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x