Venstre iyo KRF oo dalbanayo in dib loo soo celiyo wasaaradii horumarinta iyo deeqaha.

0
112

Waxaa maalinta beri ah lagu wadaa in reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ay soo bandhigto qofka ay u magacaabi doonto jagada wasiirka arimaha dibadda, maadaama Børge Brende uu xilka dhawaan ka dagi doono.

Waxaa loo badinayaa in xilkaas loo magacaabo Ine Marie Eriksen Søreide oo hada ah wasiirada gaashaandhiga Norway. Waxeyna noqon doontaa markii ugu horeysay taariikhda oo Norway ay yeelato wasiir arimo dibadeed oo haweenay ah.

Xisbiyada KRF iyo Venstre ayaa Erna Solberg ka dalbanayo inay soo celiso wasaaradii horumarinta iyo deeqaha dibada, oo Erna Solberg ay afar sano kahor albaabada isugu laabtay.  Waxeyna ku doodayaan in wasaaradaas ay tahay mid muhiim ah, maadaama mucaawinada iyo deeqaha la siiyo wadamada soo koroyo, ay qeyb weyn ka tahay miisaaniyada Norway.

Shaqadii ay qaban jirtay wasaarada horumarinta ayaa hada hoos tagto wasaarada arimaha dibadda. Xisbiyada Venstre iyo KRF ayaa xukuumada Erna Solberg ku eedeynayo inay sahlaneyso deeqaha iyo muhiimada ay leedahay. Waxeyna sheegeen inay muhiim tahay in wasaarada horumarinta dib loo celiyo, si howshaas ay noqoto mid gaar ah oo muuqato.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada sida joogtada ah deeqaha uga hela Norway, waxeyna Norway kamid tahay wadamada deeqaha ugu badan siiya Soomaaliya. Wasiirkii ugu danbeeyay ee horumarinta Norway, Heikki Holmås ayaa dhowr mar booqasho ku tagay Soomaaliya, intii uu xilkaas hayay.

Xigasho/kilde: NRK.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments