Ururka daacish oo sheegtay in ninkii dadka ku laayay Las Vegas uu ahaa askari ciidankooda katirsan

0
208

Ururka sheegta khilaafada islaamiga ah ee Daacish ayaa war ay soo saareen ku sheegay in Stephen Paddock oo ahaa ninkii shaley ku dhawaad 60-ka qof ku xasuuqay magaalada Las Vegas, uu ahaa askari katirsan ciidankooda, isla markaana uu diinta islaamka qaatay bilo kahor.

Stephan oo 64 sano jir ahaa ayaa shaley meel bandhig faneed ah ku toogtay 59 qof, wuxuuna dhaawacay dad kor u dhaafayo 500 qof, kahor inta uusan isagu gacantiisa isku dilin.

Hey´ada FBI-da ayaa sheegay in ilaa hada aysan jirin wax cadeynayo in Stephan uu katirsanaa ama uu taageersanaa ururka xagjirka ah ee Daacish. Waxeyna beeniyeen sheegashada Daacish ee inuu gacan ku dhiiglahaas katirsanaa.

Ururka daacish ayaa dhowr mar oo hore sheegtay masuuliyada weeraro ay geysteen dad aan iyaga wax xiriir ah la laheyn. Waxaana la sheegaa inay arintaas uga dan leeyihiin cabsi galin ama muujinta inay awood leeyihiin.

 

Xigasho/kilde: Thelegraf.com, RT.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments