Ururka ardeyda(SSF): Waxaan qeyb ka nahay gurmadka lacagta loogu uruurinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa magaalada Muqdisho ka dhacay

0
84

Ururka ardayda soomaaliyeed ee dalkan Norway(Somalisk studentforening) ayaa sheegay inay ka qaybqaadan doonaan gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxayna sheegeen in kulanka berito lagu qaban doono jaamacadda HiOA(halkan riix) ku iibin doonaan cuntooyin, kuwaas oo lacagta kasoo xarooto loogu deeqi doono dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho. Waxeyna raaciyeen inay sidoo kale ka tashan doonaan qaabka ay wax kale ugu biirin karaan howlaha gurmadka.

Ismaaciil Nuur Xeefow oo kamid ah gudiga maamulka ururka ardeyda ayaa NorSom News u sheegay in ardeydu ay qeyb ka yihiin bulshada, isla markaana ay waajib ku tahay inay ka qeyb noqdaan waxyaabaha bulshada kusoo kordha ee saameynta ku leh. Wuxuuna ku booriyay ardayda inay ka qaybqaataan gurmadka, isla markaana jeebka gacanta geliyaan.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments