UDI oo ilaa 200 qof shaqaale ah shaqada ka joojin doonto.

0
150
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha dalkan Norway ee UDI-da, ayaa sheegtay inay shaqada ka joojin doonto ilaa 200 oo qof oo hey´ada ka shaqeeyo, Kuwaas oo intooda badan ahaa dad si kumeel gaar ah loo shaqaaleysiiyay sanadkii 2015-ka.

Sababta dadkan shaqada looga joojinayo ayaa ah in dadkii magangalyada soo weydiisan jiray Norway, ay si aad ah hoos ugu dhaceen labadii snao ee lasoo dhaafay. Waxeyna UDI-du sheegtay in isku cel-celis ay isbuucii Norway iska soo dhiibaan dad gaaraya 50 qof oo kaliya.

Sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan, waxaa Norway iska soo dhiibay 1800 qof, halka ay Norway dib u dajin u sameysay 1250 qof(dad xeryaha qoxootiga laga soo qaatay)

Agaasimaha hey´ada UDI-da Frode Forfang ayaa sheegay in arintaas aysan aheyn mid si kadis ah ku timid, balse ay aheyd wax lasii ogaa, isla markaana ay u diyaar garoobeen. Wuxuuna sheegay in dhamaan dadka shaqada laga fariin doono ay yihiin dad aan hey´ada si rasmi ah uga shaqeyn jirin.

Dowlada Norway ayaa sidoo kale aad u dhintay miisaaniyada hey´ada UDI-da, waxaana lacagta ay dowladu siiso UDI-da laga dhimay wax ku dhow 50%.

Xigasho/kilde: BT.NO/NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments