Telemark: 2 wiil oo midkood soomaali yahay oo ku geeriyooday doon ku dagtay harada Seljordsvatn.

0
118

Waxaa khamiistii lasoo dhaafay harada(Innsjø) Seljordsvatn ee gobolka Telemerk ku geeriyooday labo qof, halka qof kalena la la´yahay raqdiisa, kadib markii ay dagtay doon ay saarnaayeen.

Doontan ayaa waxaa isku dar saarnaa lix qof, sadex kamid ah waxey dabaal kaga soo baxeen harada, halka labo kalena meydkooda biyaha laga soo helay. Iyada oo boolisku ay wali raadinayaan raqda qof sadexaadka oo ilaa hada aan lagu guuleysan in la helo.

Labada qof ee geeridooda la xaqiijiyay ayaa waxay warbaahinta lokalka ah qoreysaa inay kasoo jeedaan wadamada Soomaaliya iyo Siiriya, waxaana la sheegay inay ahaayeen labo wiil oo qoxootinimo Norway ku yimid xili aan fogeyn.

Magacyada wiilasha geeriyooday ayaa kala ahaa Muhamed Mahamud Abdi oo 20 sano jir ahaa iyo Aslan Mohamed Omer oo 19 sano jir ahaa.

Qofka la la´yahay ayaa ahaa macalinka norwiiji ah oo ardeydan qoxootiga ah, waxeyna boolisku sheegeen inaysan rajo ka qabin inay nolol ku helaan.

 

Xigasho/kilde: NRK.NO, BT.NO, Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments