Dowlada Sweden oo kamid ah wadamada aadka ugu adag in qoxootiga aan lagu celin wadamada ay halista kajirto, ayaa bilowday inay qoxootiga reer Afgaanistaan ku celiso dalkoodii.

Waxaa habeenkii xalay ahaa diyaarad lagu qaaday 10 dhalinyaro ah, kuwaas dalkaas kalinimo ku yimid, isla markaana diidmo ka helay codsiga magangalyada.

Ururada qoxootiga ayaa ka digayo in dad xiligan lagu celiyo Afgaanistaan, laakiin hey´ada socdaalka Sweden ayaa sheegtay in gobolada qaarkood ee Afgaanistaan ay yihiin kuwa amaan ah oo qoxootiga diidmada helay lagu celin karo.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige.se

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz