Sweden: Buug laga qoray odey afar xaasle soomaali ah oo buuq ka abuuray baraha bulshada Sweden

0
262

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay warbaahinta dalka Sweden iyo baraha bulshada, aad looga hadalhayay buug kuwa caruurta ah, kaas oo laga qoray odey afar xaasle soomaali ah oo Soomaaliya kunool. Buuga ayaa waxaa qoray qoraa Swedish ah oo lagu macaabo Oscar Trimbel.

Buugan oo magac looga dhigay «Farfar har fyra fruar» ama «Awoowe waxa uu leeyahay afar xaas» ayaa waxa uu ka hadlayay ilmo soomaali ah, kaas oo booqasho ugu tagayo awoowgiis oo kunool Soomaaliya, isla markaana leh afar xaas.

Warbaahinta ay maamulaan kooxaha xagjirka ah ayaa markiiba bilaabay inay si xumaato ah ay uga hadlaan buugaas, iyada baraha bulshada ay sidoo kale ka socotay dood lagu falanqeynayo buugaas iyo waxa ay ilmuhu ka baran karaan. Waxeyna dadku aad u hadalhayeen in buugaas uu caruurta Swedishka ah bari doono  inay caadi tahay in ninku uu afar xaas yeesho!.

Qoraagii qorey buuga: Waan joojiyay iibinta buugaas 

Qoraaga buuga ayaa maanta soo saaray war uu ku sheegayo inuu joojiyay iibinta buugaas, isla markaana uu madbacada ka codsaday inaysan mar kale soo daabicin.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments