Sweden: 20-jirkii masaajidka gubay oo la sheegay inuu maskax ahaan u xanuunsanaa.

0
158

Golaha dalka Sweden u qaabilsan qiimeynta xaalada caafimaad ee dadka danbiyada geystay ayaa baaritaan kadib sheegay in 20-jirkii ka danbeeyay dabkii la qabadsiiyay masaajidka Örebro, uu ahaa qof maskax ahaan u xanuunsan.

Booliska ayaa 20-jirkan u dhashay dalka Sweden usoo qabtay dabkaa sida ula kaca ah masaajidka loo qabadsiiyay, isaga oo markii danbe qirtay inuu ahaa qofkii dabka ku qabtay masaajidka.

Dabka ayaa dhaawac xoogan gaarsiiyay dhismaha masaajidka, iyada oo qeybo kamid ahna ayba burbureen. Golaha ururada muslimiinta ee dalka Sweden ayaa horey dowlada Sweden uga codsaday in la xoojiyo amaanka masaajida iyo goobaha cibaadada dadka muslimiinta ah.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige-somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments