Soomaalida Yurub oo aad u hadalhayo muuqaal aflagaado ah oo ciidanka Amisom ay kula kaceen dumarka soomaaliyeed.

0
114

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada aad looga hadalhayay muuqaal dhaliyay caro badan, kaas oo laga soo duubay ciidanka Amisom, oo aflagaado iyo been-abuur cad kula kacay dumarka soomaaliyeed xili laga duubayay film documentry ah.

Filimkan oo uu xuquuqdiisa soo iibsaday Tv-ga qaranka Sweden ee SVT ayaa waxaa kamid muuqaal ay askar katirsan ciidamada Amisom aflagaado aan loo meel-dayin ugu geysanayaan dumarka soomaalida. Askartan ayaa sheegay in soomaalidu ay leeyihiin dhaqan ah in gabadhu marka ay 20 sano gaarto, aana wali la guursan, uu u galmoodo walaalkeed, ilmaha sidaas ku dhashana uu noqdo argagaxiso is qarxiya. 

Ciidanka muuqaalkan laga duubay ayaa ah kuwo dalka Burundi, kamana muuqato muuqaal askarnimo, waxeyna u egyihiin darbi-jiif mooryaan ah oo magaca ciidan loo huwiyay. Midkood ayaa hadalka tabinaya, halka kuwa kalena ay qosolka iyo sacabka ugu jiibanayaan.

Filimkan oo laga sii daayay TVga qaranka Sweden ayaa intiisa badan ah mid ka turjamayo habdhaqanka foosha xun ee ciidamada Amisom, iyo sida hoose oo ay u fiiriyaan dadka soomaaliyeed.

Waxaa baraha bulshada caro xoogan muuqaalkan ka muujiyay  dadka soomaaliyeed, iyada oo ciidamada Amisom laga dalbaday inay jawaab ka bixiyaan, halka dowlada Soomaaliyana laga dalbaday inay arintan dhaqanka soomaalida lagu bahdilayo aysan dhayalsan.

Ciidamada Amisom ayaa waxaa aflagaadada u dheer inay xadgudubyo kala duwan kula kacaan shacabka soomaaliyeed ee ay sheegaan inay nabada u ilaayaan. Waxaana marar badan soo baxay eedeymo ku saabsan inay kufsi u geystaan dumarka soomaaliyeed ee daawada ka raadsada xarumaha ay maamulaan.

Inkasta oo aan war rasmi uusan wali kasoo bixin ciidamada Amisom, hadana waxaa warbaahinta soomaalida qaarkood ayaa qoraya in hogaanka ciidanka Amisom ay arintan iska fogeeyeen. Iyaga oo sheegay in askartan aysan aheyn kuwo katirsan ciidankooda.

Halkan ka daawo qeyb kamid ah muuqaalkan

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments