Siv Jensen oo soo bandhigtay miisaaniyada sanadka 2018: Maxay saameyn ah oo adiga kugu leedahay

0
98

Wasiirada maaliyada dalkan Norway, Siv Jensen ayaa maanta baarlamaanka Norway horgeysay miisaaniyada ay dowladu ugu talo-gashay inay wadanka ku maamusho sanadka soo socdo ee 2018.

Xisbiyada mucaaradka ayaa isla maantaba bilaabay inay weerar cir iyo dhul ah ku qaadaan miisaaniyada xukuumada Solberg oo lagu eedeynayo inay u xaglineyso dadka hantida badan heysto.

Isbalada miisaaniyada saameynta ku yeelan kara jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxaa kamid ah:

Canshuurta klasse 2: Dowlada ayaa rabto in gabi ahaanba la tirtiro nidaamka canshuurta qoysaska is qaba ee loo yaqaan Klasse 2. Taas oo ka dhigan in canshuurtu loo kordhin doono qoysaska is qaba, ee midkood uu qarashka soo galo yaryahay ama gabi ahaanba aan shaqeynin.

Lacagta xarumaha xanaanada oo la kordhiyay: Dowlada ayaa rabto in la kordhiyo qiimaha xanaanada caruurta yar-yar(barnehage), lagana dhigayo 2910-qofkii. Waxaana lagu kordhiyay 110 NOK. Qiimo kordhintan ayaa ka bilaaban doonto kowda bisha January ee sanadka 2018.

Kontantstøtte waxbo lagama badalin: Tirada lacagta la siiyo waalidka heysto ilmaha u dhaxeeyo hal ilaa labo sano, aana dhigan xarumaha xanaanada ayaa wali ah sideedii hore. Waana 7500 bishii. Waxaa xusid mudan in dowlada Norway ay dhawaan dhaqangalisay sharci shardi ka dhigaya inuu qofku shan sano wadanka degenaado, si uu lacagtaas u helo.

Sidoo kale lacagta lagu kabo waalidka heysto ilmaha kayar 18-sano ayaa iyadna ah inteedii.

NRK: Lacagta dadka heysto TV-yada sanadkii ee la siiyo NRK-ga ayaa waxaa ku yimid kor u kac, waxaana laga dhigay 2867,70 sanadkii.

Waxaa xusid mudan in miisaaniyadan ay tahay mid kumeel gaar ah, oo aan wali marin baarlamaanka. Waxaana dhici karto inay ku yimaadaan isbadalo kale.

 

Halkan kasii akhri wixii faah-faahin guud ah ee ku saabsan miisaaniyada dowlada.

Xigasho/kilde: VG.NO, NRK.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments