Reysulwasaare ku xigeenka Australia oo lagu xukumay inuu xilka ka dago, sababtoo wuxuu isku heystaa labo dhalasho.

0
92

Reysulwasaare ku xigeenka dalka Australia Barnaby Joyce ayay maxkamada sare ee dalkaas ku xukuntay inuu xilka ka dago, kadib markii ay cadaatay inuu heysto dhalashada dalka New-Zealand. Dastuurka dalka Austrlia ayaa dhigayo in qofkii heysto dhalashada dal kale uusan xil baarlamaan ama wasiir ka qaban karin Australia.

Sidoo kale ilaa afar mudane oo katirsan baarlamaanka dalka Australia ayaa iyagana xilkooda waayi doono, kadib markii ay cadaatay inay heystaan dhalashada dalal kale.

Maxkamada sare ee Australia ayaa isku dar baaritaan ku sameyneysay ilaa 7 mudane oo katirsan baarlamaanka dalkaas, shan kamid ah waxaa ku cadaatay inay dhalashada dalal kale heystaan, halkana labo xildhibaane la sheegay inay xilka sifo sharci ah ku fadhiyaan.

Ma ogeyn inaan dhalasho dal kale heysto:

Reysulwasaare ku xigeenka xilka waayay ee Barnaby Joyce ayaa sheegay inuusan ka warqabin inuu heytso dhalashada dalka uu aabihii kasoo guuray ee New-Zealand, maadaama uu isagu shaqsi ahaan ku dhashay Australia. Laakiin sharciga New Zealand ayaa qaba in ilmihii wadan dibadda ah ku dhashay(intii u dhaxeysay 1949-1978), aabihiina uu heysto dhalashada New-Zealand uu isna si toos ah u helayo dhalashada dalka Aabihii..

Arintan ayaa keeni doonto in reysulwasaaraha hada talada hayo ee Australia Malcolm Turnbull uu waayi karo aqlabiyada baarlamaanka dalkaas. Waxeyna maxkamadu amartay in la qabto doorasho gaar ah oo lagu soo dooranayo xubnaha baarlamaanka ee lumiyay booskooda.

 

Xigasho/kilde: BBC.COM , Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments