Ra´yi uruurin: Dadweynaha Norway oo sheegay nooca xukuumad ay rabaan inay wadanka ka taliso

0
88

Sadex isbuuc kahor ayey aheyd markii xisbiyada midigtu ay mar kale ku guuleysteen doorashada baarlamaanka dalkan Norway, waxaana wali jiro farqi weyn oo u dhaxeeyo xisbiyada, taas oo adkeyneyso qaabka ay u wada shaqeyn lahaayeen. Xisbiga KRF ayaa isbuucii hore isaga baxay wada hadalada dowlada, waxaana wali laga warsugayaa Venstre oo aan go´aan rasmi ah gaarin.

Ra´yi uruurin laga qaaday dadweynaha Norway, laguna weydiiyay nooca xukuumadeed oo ay doorbidayaan doorashada kadib, ayaa lagu ogaaday in wax ka badan 50% ay rabaan xukuumad ka kooban xisbiyada Høyre Krf iyo Venstre.

34% dadka laga qaaday ra´yi uruurinta ayaa sheegay inay ku qanacsanyihiin xukuumada hada jirto ee ka kooban Høyre iyo Frp. Arintan ayaa ka cadaad wax xoogaa ah saareyso reysulwasaaraha hada talada heyso ee Erna Solberg.

 

Inkasta oo Krf ay ka baxeen wadahadalada dowlada, hadana waxey wali ka rajo qabaan inay kamid noqdaan xukuumad ay hogaamiso Erna Solberg, isla markaana ka kooban xisbiyada Høyre, Krf ama Venstre.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments